Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan heer sare ah oo ay ka qeyb galeen Dowladda Federaalka, wasiiradda Gargaarka Dowlad-goboleedyada, Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo bah-wadaagta bani’aadannimada.
Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii Dowlad-goboleedyada dalka loo taageeri lahaa hababka isku-duwidda heer maamul-goboleed iyo heer degmo, gaar ahaan diyaar-garowga, digniinta hore iyo ka jawaabista khataraha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saameynta laga filayo El Niño-ga 2026.
Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda iyo hababka isku-duwidda heer Dowlad-goboleed, si digniinaha hore loogu beddelo tallaabooyin degdeg ah, loona hubiyo in kheyraadka, gargaarka iyo taageeradu waqtigooda gaaraan bulshooyinka nugul.
Hay’adda SoDMA iyo Dowlad-goboleedyadu waxay ugu baaqeen bah-wadaagta bani’aadannimada iyo horumarinta inay xoojiyaan taageerada farsamo, dhaqaale, shaqaale iyo saadka, isla markaana ay barnaamijyadooda waafajiyaan mudnaanta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ee diyaar-garowga El Niño.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in dalku ku jiro xaalad bani’aadannimo oo adag, isla markaana loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah oo wax-ku-ool ah oo looga diyaar-garoobo








0 Comments