JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐂𝐎𝐏𝟑𝟏 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚, 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐜𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔-𝐚𝐝𝐤𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐆𝐀𝐃.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐂𝐎𝐏𝟑𝟏 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚, 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐜𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔-𝐚𝐝𝐤𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐆𝐀𝐃.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo ka dhacday xarunta IGAD ee shirka COP31, taas oo diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, barakaca dadka iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka gobolka IGAD.

Dooddaan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen IGAD, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Dowladda Talyaaniga, waxaa lagu falanqeeyay saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee cimiladu ku leeyihiin barakaca dadka iyo hab-nololeedka bulshada, iyadoo xoogga lugu saaray muhiimadda la qabsiga isbeddelka cimilada iyo maalgelinta xalalka waara.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay xoojinta nidaamyada saadaasha iyo digniinta hore, hirgelinta tallaabooyinka ka-hortagga musiibooyinka (Anticipatory Action), iyo adeegsiga xogta iyo falanqaynta khataraha si tallaabooyin loo qaado ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, maalgelinta waarta iyo xoojinta diyaar-garowga, si loo yareeyo khataraha musiibooyinka, loo ilaaliyo nolosha dadka, loona xoojiyo u adkeysiga iyo hab-nololeedka bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan isbeddelka cimiladu.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.