JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka – SoDMA

Bogga HoreWararka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka – SoDMA

May 20, 2025

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA). waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo masuuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan hay’adda.
Kulan ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xaaladdaha deg-degga ah ee ka dhalatay roobabka Gu’ga ee ka da’ay qaybo badan oo dalka ka mid ah, saameynta ay yeesheen iyo diyaarinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee hadda jirta, saadaasha cimilada, iyo heerarka biyaha wabiyada dalka, iyadoo laga duulayo baahida loo qabo in la is waafajiyo gurmadka bini’aadannimo iyo howlgalada milatari ee socda si dalka looga xoreeyo Khawaariijta.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu lafaguray sidii gargaarka deg-degga ah loo gaarsiin lahaa degaannada laga xoreynayo Khawaariijta, iyo sidii shacabka halkaas ku dhaqan loogu fidin lahaa taageero bini’aadannimo oo degdeg ah, si loo xoojinyo xasilooonida.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay shaqada adag ee ay Hay’adda SoDMA u hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in doorkooda uu yahay mid muhiim u ah samatabbixinta bulshada. Wuxuu hay’adda ku dhiirrigeliyay in ay sii laban laabaan dadaallada gurmadka, si gaar ahna loo daryeelo dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.