JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) kula yeeshay Madaxa Baanka Aduunka ee Soomaaliya

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) kula yeeshay Madaxa Baanka Aduunka ee Soomaaliya

May 20, 2025

Drr | News

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyee ee SoDMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Madax sare oo hay’adda SoDMA ayaa maanta kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) kula yeeshay Madaxa Baanka Aduunka ee Soomaaliya World Bank Kristina_Svensso.

Kulanka ayaa salka ku haya xoojinta iskaashiga soo jireenka ah iyo dib u milicsiga saameynta baaxadda leh ee Mashruuca Soo kabashada Xasaradaha Soomaaliya (SCRP). Waxaa kulanka lagu xusay guulaha muhiimka ah sida aasaaska iyo hawlgelinta Xarunta Hawlaha gurmadka Degdegga ah ee Qaranka (NEOC) iyo Nidaamka Digniinta Hore ee la tijaabiyay , kuwaas oo labaduba si weyn kor ugu qaaday u diyaargarowga musiibada Soomaaliya.

Hay’adda SoDMA waxay dib u xaqiijisay doorkeeda ah in Soomaaliya ay hogaamiso hay’adda dhimista khatarta musiibada waxayna carrabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay in la miisaamo dadaallada soo kabashada gaar ahaan dayactirka kaabayaasha meelaha ay saameysay Fatahaadii El Niño.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada aan kala go’a lahayn, Iskaashiga iyo wadashaqeeynta fog ay Hay’addu Bangiga Adduunka la leedahay hay’adda SoDMA, Guddoomiyaha ayaa rajeyneyna in la sii wado iskaashiga lagu dhisayo Soomaaliya oo adkeysi badan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.