
Wafdi oo hogaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda oo iskugu jira daqaatiir ayaa gaaray egmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan
Bogga HoreWararka Wafdi oo hogaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda oo iskugu jira daqaatiir ayaa gaaray egmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, daqaatiir ka tirsan Hay’adda SoDMA iyo Isbitaal Madiina ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Safarka Guddoomiyaha ayaa daarran xoojinta dadaallada bani’aadannimo ee dalka iyo u kuur-galidda xaaladda nololeed ee degmada iyo degaannada ku xeeran, isagoo gargaar loogu tala-galay dadka nugul oo daawo iyo cunno isugu jira ku wareejin doona maamulka degmada iyo hoggaanka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle.
Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Guddoomiyaha degmada Md. Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle Md. Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale ayaa waftiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jalalaqsi.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments