JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA oo Qabatay Shir Lagu Xoojinayo Isku-duwidda Jawaabaha Masiibooyinka

Bogga HoreWararka SoDMA oo Qabatay Shir Lagu Xoojinayo Isku-duwidda Jawaabaha Masiibooyinka
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda jawaabaha masiibooyinka iyo horumarinta hababka gurmadka degdegga ah.
Shirka waxaa daahfuray Dr. Ismaaciil Jimcaale, Madaxa Mashaariicda SoDMA, oo khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda mideynta dadaallada gurmadka degdegga ah iyo ka faa’iideysiga nidaamyada hore u jiray si loo helo jawaab masiibo oo degdeg ah, hufan, isla markaana waarta.
Intii uu shirku socday, waxaa laga dooday adeegsiga nidaamyada aqoonsiga iyo diiwaangelinta, hababka gaarsiinta kaalmada sida dhaqaalaha iyo xoojinta isku-duwidda xogta iyo hoggaaminta dowladda.
Ugu danbeyn, shirku waxuu adkeeyay doorka Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee horumarinta jawaabaha degdegga ah, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.