JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA Iyo Isbaheysiga Hay’adaha Aan Dawliga Ahayn Oo Adkeeyay Iskaashiga Gargaarka Aadanaha

Bogga HoreWararka SoDMA Iyo Isbaheysiga Hay’adaha Aan Dawliga Ahayn Oo Adkeeyay Iskaashiga Gargaarka Aadanaha

MUQDISHO, SOOMAALIYA — Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeelatay hoggaanka Isbaheysiga Hay’adaha aan Dawliga Ahayn ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-xirka wadajirka ah ee ka jawaabista gargaarka aadanaha.

Kulanka oo ka dhacay Hoteelka Airport ee magaalada Muqdisho, waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac, iyada oo ujeedadu ahayd in la mideeyo dadaallada gargaarka iyo in la hubiyo in kaalmada ay gaarto dadka ugu nugul dalka.

Labada dhinac waxay isku raaceen saddex qodob oo waaweyn oo iskaashi ah kuwaas oo looga golleeyahay in lagu wanaajiyo hawlaha gargaarka aadanaha ee Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka, samaynta Xarun Macluumaad Wadajir ah si loo mideeyo xogta loogana fogaado is-daba-marinta, iyo qabashada kulamo joogto ah oo heer sare ah si loo xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ah.

Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, oo ah Guddoomiyaha Hay’adda, ayaa sheegay in iskaashigani uu yahay tallaabo aasaasi ah oo lagu hubinayo in kaalmada ay gaarto bulshooyinka ugu baahida badan, halka Marwo Nimco Xasan, oo ah Agaasimaha Isbaheysiga Hay’adaha aan Dawliga Ahayn, ay ku ammaanantay doorka hay’adda, iyada oo xaqiijisay in iskaashigani uu xoojin doono wax-ku-oolnimada iyo daah-furnaanta hawlaha gargaarka.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay la tacaalayso caqabado bini’aadannimo oo sii kordhaya, oo ay ka mid yihiin colaadaha hubaysan iyo isbeddellada cimilada ee daran, iyo sidoo kale barakaca gudaha ee boqolaal kun oo qoys.

Tallaabadan istaraatiijiga ah waxay mataleysaa dadaal wadajir ah oo lagu mideynayo shaqada hay’adaha gargaarka aadanaha si loo hubiyo in kaalmada muhiimka ah ay si hufan u gaarto dadka ay saameyntu gaartay, taas oo gacan ka geysaneysa in ay adkeystaan masiibooyinka mustaqbalka.

1 Comment

  1. Yusuf salah

    Subject. Community worker. My name is Yusuf salah, I am community.munity support worker and mental health Advocate. We need to tackle human catosrhpy together by physical and mental wellbeing. There is lot we can do together by saving Somali lives. Dalkaaga iyo dadkaada wax kutahay. Plz invest your people. Human life matter. Plz keep In touch , I want to be part of it. My contribution will not fade inshaalah. Yusuf

    Reply

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.