MUQDISHO, SOOMAALIYA – Talaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo jawaab celinta bani’aadamnimo ee dalka, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa Khamiistii la soo dhaafay heshiis is-afgarad istiraatiiji ah la saxiixatay hay’adda LM International, iyadoo ujeedadu tahay in la horumariyo awoodda hay’adda ee dhinaca ka-jawaabista xasaradaha.
Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee hay’adda ee Muqdisho, waxaana SoDMA u saxiixay Guddoomiyaha hay’adda, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, halka LM International ay wakiil ka ahayd Isku-duwaha Barnaamijyada, Marwo Nasra Maxamed Axmed.
Heshiiskan waxaa looga golleeyahay in kor loo qaado tayada shaqaalaha hay’adda iyadoo la siinayo tababarro gaar ah, isla markaana la xoojiyo awooddooda ku aaddan maareynta iyo fulinta mashaariicda gargaarka si hufan. Dadaalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah dadaalka qaran ee loogu jiro in la yareeyo dhibaatada ka soo gaarta bulshooyinka saameyntu soo gaartay.
Taariikhda iyo doorka “SoDMA” ee shaqada bini’aadamnimada
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) waxay door muhiim ah ka ciyaartaa hoggaaminta iyo isku-dubbaridka shaqada bani’aadamnimada ee gudaha Soomaaliya. Hay’adda waxaa loo aasaasay si ay mideyso dadaallada qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee la tacaalidda masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ka dhasha aadanaha, sida abaarta iyo daadadka, iyo sidoo kale la tacaalidda xasaradaha saameeya amniga cuntada iyo xasiloonida dadweynaha.
SoDMA waxay ka shaqeysaa dejinta istiraatiijiyadaha jawaab celinta degdegga ah, isku-dubbaridka qaybinta gargaarka, marka lagu daro dhisidda awoodaha bulshada deegaanka si ay si wanaagsan ula tacaalaan dhibaatooyinka mustaqbalka.
Iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah sida LM International ayaa ah tiirarka istiraatiijiyadda hay’adda, si loo xaqiijiyo sii socoshada taageerada farsamo iyo mida maaliyadeed ee lagama maarmaanka u ah howlaha gargaarka ay ka waddo dalka oo dhan.









0 Comments