Muqdisho, Soomaaliya — Tallaabo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta awooddeeda qaran ee ay kula tacaalayso caqabadaha bani’aadamnimo, ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, maanta xarunta hay’adda ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira, iyo wafdi khubaro ah oo la socotay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhismaha awoodaha maaraynta masiibooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Waxa ay labada dhinac si gaar ah uga hadleen yareynta khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada, taas oo ah sababaha ugu waaweyn ee keena barakaca gudaha iyo dibadda, iyadoo ujeedadu tahay in la ilaaliyo bulshada oo la hubiyo xasilloonidooda.
Dhankiisa, Mudane Manuel Marques Pereira ayaa xaqiijiyay ballanqaadka adag ee IOM ay ku taageerayso dadaallada Soomaaliya ee la xiriira maaraynta barakaca iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay xaaladaha bani’aadamnimo. Waxa uu tilmaamay in iskaashiga ay la leeyihiin Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka uu yahay tiir muhiim ah oo ay ku dhisan tahay jawaab-celintooda wadajirka ah, gaar ahaan dhisidda awoodda bulshada ay ugu adkaysan karaan isbeddelka cimilada iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, ayaa hadalkiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexaysa dhammaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka. Waxa uu sheegay in midnimada dadaalka ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu gaarsiin karo jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah dadka tabaaleysan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay IOM taageerada muuqata ee ay had iyo jeer siiyaan, taas oo si toos ah gacan uga geysata hagaajinta xaaladaha bani’aadamnimo ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ay ku doonayso in wax looga qabto xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka ka jira, iyadoo la xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo kan gudaha, si loo dhiso mustaqbal ammaan iyo adkaysi leh oo u gaar ah shacabka Soomaaliyeed.











0 Comments