Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.
Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.
Guddiga Taakulaynta Dagaalka Ayaa waxaa Xubin Buuxda ka ah Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md Maxamuud Macllim Cabdulle , Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Isbuucyo soo joogay Furimaha Daglaalka isaga oo gudanaya waajibaadka saran ee gurmadka Dadka ku barakacay deeganada laga xoreeyay al- shabaab iyo garab istaaga Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka
0 Comments