JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Kulan Heer Sare ah oo Hogaamiyayaasha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay HCT Iskuduwidda Cadaadiska & Dib-u-habaynta Gargaarka ee hoos timaada SoDMA

Bogga HoreWararka Kulan Heer Sare ah oo Hogaamiyayaasha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay HCT Iskuduwidda Cadaadiska & Dib-u-habaynta Gargaarka ee hoos timaada SoDMA

March 4, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Md. George Conway, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay isku yimaadeen dhinacyada ka shaqeeya howlaha bani’aadannimo ee dalka (HCT).

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha, caqabadaha taagan, saamaynta ka dhalan karta is-beddelka ku yimid taageerada dhanka bani’aadannimo ee Maraykanka, xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya wada-hawlgalayaasha ka shaqeeya howlgallada gargaarka iyadoo Hay’adda SoDMA qaadanayso doorkeeda hoggaaminta si loo helo jawaab hufan oo waxtar leh.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin, oo dhammaan daneeyayaasha uga mahadceliyay dadaalka ay bixiyeen ayaa xusay in si loo xalliyo caqabadaha bani’aadamnimo ee dalka loona hubiyo jawaab isku-xiran oo wax-ku-ool ah xilligan adag loo baahan yahay in dib loo eego hannaanka maalgelinta si loo hubiyo joogteynta taageerada lagama maarmaanka ah ee dadka nugul.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.