
Hay’adda SoDMA oo ku soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya – CHF -2025
Bogga HoreWararka Hay’adda SoDMA oo ku soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya – CHF -2025

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo ay soo qaban-qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka loogana hadlayay xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug.
Shirkaan waxaa ka qeyb-galay hoggaanka Hay’adda SoDMA, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wasiirro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, Maamulka magaalada Gaalkacyo, Wakiillada Qaramada Midoobay, Ururka Islaamka, deeqbixiyayaasha, daneeyayaasha kale ee caalamiga ah, ururrada maxalliga ah, bulshada rayadka iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.
Shirkaan ayaa lagu lafa-guray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, raadinta sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka is biirsaday, sida; saameyntii ka dhalatay roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga (Gu’) oo aan rajo badan laga qabin, halista sii kordheysa ee La Nina, sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray sidii loogu midoobi lahaa mudnaan siinta dadka nugul, casriyeynta hannaanka gargaar bixinta iyo dhisidda karaanka hay’ada dowladda, si dhab loogu wajaho dhibaatooyinka soo noqnoqda ee caqabadda ku ah nolosha dadka.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments