Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadam, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeynka Howlaha Guud ee gobolka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray roobabkii xooganaa ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ee qasaaraha sababay, iyo sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobkii xalay.
Sidoo kale masuuliyiintaan ayaaa kormeeray waaxda saadaasha hay’adda, waxaana hay’adda ay ballan-qaaday in ay gurmad degdeg ah gaarsiin doonto dadka dhiibatada ka soo gareen roobabkii xalay caasimada ka da’ay, waxaana ay sidoo kale sheegtay hay’adda in ay soo saari doonto warbixin ku saabsan qasaaraha guud ee roobabkii xalay ka dhashay.
0 Comments