
Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa afartan milyan oo doolar.
Bogga HoreWararka Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa afartan milyan oo doolar.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka – SoDMA Mudane Mohamoud Moallim Abdulle ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa 40,000000 afartan milyan oo doolar.
Mashruuca (WISER Action First – Eastern Africa) oo wadamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda u adkeeysiga aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee gobolka bariga Africa oo ay Soomaaliyana qeeyb ka tahay, iyadoo ay mashruucan fulin doonaan Hay’addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan wadamada bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo afar sano ah, waxaana maalgelinaya dowladda UK hay’addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO.
Gudoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu mashruucu ku soo aadayay wakhtigii aadka loogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faa’iidada mashruucan u leedahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha halis-wadareedka dalalka gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaba-gabadii munaasabadda wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashruucan laga faa’iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan bah-wadaagta mashruuca fulinaysa in ay si hufan oo daahfurnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faa’iidaysato.
Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamud Macalin ayaa wuxuu shir doceed la yeeshay madaxdii mataleeysay hay’adda “FCDO” oo ah deeq bixiyaha mashruuca, gudoomiyuhu wuxuu uga Mahad celiyay taageetada ay had iyo jeer la garabtaaganyihiin wadamada gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaalya.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments