JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa IOM ee Soomaaliya

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha SoDMA oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa IOM ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ,oo Maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira, iyo khubaro la socotay.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo hortabin u leh hay’adda SoDMA iyo wasaaradaha maaraynta masiibooyinka ee dowlad-goboleedyada. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhismaha awoodaha maaraynta masiibooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo si gaar ah loo eegay yareynta khataraha isbeddelka cimilada si loo yareeyo barakaca bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda dalka.
Dhankiisa Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macallin ayaa ku dhiirrigeliyay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta. Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay IOM taageerada muuqata ee ay ku bixiyaan gudaha iyo dibadda dalka, taas oo wax badan ka tari karta xaaladaha bani’aadantinimo ee horyaalla shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Hay’adda SoDMA ay ku doonayso in wax looga qabto xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka ka jira, iyadoo la xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo kan gudaha.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.