Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta booqasho ugu tagay Hoggaamiyaha dowlad goboleedka ee SSC-Khaatumo Md. Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), isagoo ugu hambalyeeyay in SSC Khaatumo ka mid noqoto dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Hoggaamiyaha ayaa Guddoomiyaha SoDMA la wadaagay xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira maamulkaas isagoo xusay sida dadka nugul wali ugu baahan yihiin garab istaag, madaama roobkii Gu’ga deeganadaas ku yaryar yahay, waxaana uu u mahadceliyay dowladda Shiinaha oo dhawaan dalka keeni doonoto gargaar ballaaran oo qeyb kamid ah deegaanada SSC Khaatumo ku wajahan.
Sidoo kale labada dhinac ayaa kawada hadlay in SoDMA dardargaliso mashariicyadii Ra’iisul Wasaaraha XFS ka dhagaxdhigay Laascaanod qeybta hay’adda iyo in hay’addu sii wado dadaallada bani’aadannimo ee ay ka waddo degaannada maamulkaas.
0 Comments