JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Hay’adda SoDMA oo ka qaybgashay Geneva Shir 8-aad ee ku kulmaan Hogaamiyayaasha Caalamka kaas oo looga hadlay yareeynta Khatarta Masiibooyinka

Bogga HoreWararka Hay’adda SoDMA oo ka qaybgashay Geneva Shir 8-aad ee ku kulmaan Hogaamiyayaasha Caalamka kaas oo looga hadlay yareeynta Khatarta Masiibooyinka

June 10, 2025

Drr | News

Kalfadhigii 8-aad ee shirweynaha afartii sanaba mar la qabto ee looga arrinsado arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, ee maalmahan ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ajandayaasha madasha waxaa qayb muhiim ah ka ahaa dood-cilmiyeedyo ay si firfircoon uga qayb galeen Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayey.
Doodahaasi waxay isugu jireen mowduucyo muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya muhiimadda adkaynta awoodda bulshada ee ka hortagga iyo ka soo kabashada musiibooyinka.
  1. Dood Cilmiyeedka Koowaad waxuu ku saabsanaa, Sida ugu fudud ee dowladuhu u dhisi karaan nidaam dhaxal-gal ah oo bulshada ka dhigi kara mid u adkaysan kara aafooyinka, isla markaana si degdeg ah uga soo kaban karaan waxyeellada ay keento musiibadu, waxaana Madasha kasoo jeediyay, Agaasiimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka ee hay’adda SoDMA Khadar Sheikh Maxamed Nur.
Waxaa sidoo kale madasha laga jeediyey doodo kale oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:
  • Sida ugu habboon ee digniinaha halista ah loo gaarsiin karo bulshada, waxaana soo jeedinteeda kaqeyb qaadatay Marwo Faadumo Cabdi Cali oo ah lataliye sare oo hay’adda SoDMA kala Talisa dhinacyada maareeynta musiibooyinka.
  • Kaalinta haweenka ee la xiriirta ka-qaybgalka dadaallada lagu yareynayo khataraha musiibooyinka, si loo xaqiijiyo in cid walba ka qayb qaadato wax ka qabashada khatartaasi, intii ay dooddaani socotay waxaa kaqeyb Gashay madaxa qeybta Genderka Xaliimo Yuusuf Xassan.
Dooddii ugu kululayd ee madasha intii ay socotay waxa ka wada qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Cabdixakiin Yuusuf Ceynte, oo ah Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada, isla markaana ah lataliyaha Guddoomiyaha SoDMA ee nidaamka digniinaha musiibooyinka.
Dooddaani waxay ku saabsaneed : Sida istiraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai looga hirgelin karo waddamada soo koraya ee ay ka jiraan xasarado dagaal iyo isku dhacyo sababa amni-darro iyo nuglaansho bulsho.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.