JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Turkiga ee TIKA ayaa yeeshay kulan lagu sameeynayo Iskaashi Tababar si kor loogu qaado Wax ka qabashada Musiibooyinka

Bogga HoreWararka Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Turkiga ee TIKA ayaa yeeshay kulan lagu sameeynayo Iskaashi Tababar si kor loogu qaado Wax ka qabashada Musiibooyinka

June 11, 2025

Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista iyo Tababarada ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamed Xirsi, oo ay wehliyeen saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka iyo Isku-duwaha Hay’adda Iskaashiga iyo Iskuduwidda Turkiga (TIKA) ee Soomaaliya, Injineer Zafer ESKI.
Kulankan oo lagu lafaguray arrimo la xiriira iskaashiga labada hay’adood, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qorsheynta iyo hirgelinta tababaro kala duwan oo ay si wadajir ah u qaban doonaan SoDMA iyo TIKA. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay indha-indhaynta iyo qiimaynta doorka weyn ee ay Xarunta Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ka ciyaarayso howlaha la xiriira gurmadka.
Labada hay’adood waxay isla garteen in la iska kaashado hirgelinta dhinacyada kala duwan ee tababarrada, gaar ahaan dhismaha iyo qalabaynta hoolalka tababarka, iyo sidoo kale tababarrada bannaan (outdoor practical exercises and drills).

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.