JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda oo Bogaadiyey Go’aanka Golaha Wasiiradda ee Gurmadka Gobolka Awdal

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda oo Bogaadiyey Go’aanka Golaha Wasiiradda ee Gurmadka Gobolka Awdal

July 31, 2025

Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si hufan u bogaadiyey go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yabooheen lacag dhan $500,000 oo doolar, taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibaataysan ee ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gobolka Awdal.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xusay in go’aankani uu yahay mid muujinaya sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay ka jawaabista xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in lacagtan ay qayb weyn ka qaadan doonto dedaallada ay wadaan hay’adaha gargaarka, islamarkaana ay noqon doonto gacan-qabasho weyn oo loo fidiyo dadka deegaanka Awdal.

“Go’aankan wuxuu muujinayaa kalsoonida iyo masuuliyadda ay Xukuumaddu u hayso shacabkeeda,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud, isagoo ku booriyey bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada, iyo qurba-joogta inay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka ee dalka ka socda, gaar ahaan gobollada ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn, Gudoomiyaha Hay’adda ayaa ballan-qaaday in SoDMA ay sii wadi doonto wada-shaqaynta dhammaan hay’adaha ay khuseyso si loo hubiyo in gargaarka uu si habsami leh u gaaro dhammaan dadka dhibaataysan.

1 Comment

Leave a Reply to George2458 Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.