Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si hufan u bogaadiyey go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yabooheen lacag dhan $500,000 oo doolar, taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibaataysan ee ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gobolka Awdal.
Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xusay in go’aankani uu yahay mid muujinaya sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay ka jawaabista xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in lacagtan ay qayb weyn ka qaadan doonto dedaallada ay wadaan hay’adaha gargaarka, islamarkaana ay noqon doonto gacan-qabasho weyn oo loo fidiyo dadka deegaanka Awdal.
“Go’aankan wuxuu muujinayaa kalsoonida iyo masuuliyadda ay Xukuumaddu u hayso shacabkeeda,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud, isagoo ku booriyey bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada, iyo qurba-joogta inay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka ee dalka ka socda, gaar ahaan gobollada ay abaaruhu saameeyeen.
Ugu dambayn, Gudoomiyaha Hay’adda ayaa ballan-qaaday in SoDMA ay sii wadi doonto wada-shaqaynta dhammaan hay’adaha ay khuseyso si loo hubiyo in gargaarka uu si habsami leh u gaaro dhammaan dadka dhibaataysan.







https://shorturl.fm/4HbAa