JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay shir looga hadlayo u diyaar-garowga xaaladda El Niño.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa isugu yimid wasaaradaha kala duwan ee Koonfur Galbeed, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, si loo mideeyo awoodda u diyaar-garowga, loona xoojiyo isku-duwidda howlaha gurmadka marka ay fatahaaduhu dhacaan.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shirka ka hadlay ayaa si aad ah u adkeeyay in diyaar-garowgu uusan noqon karin mid dib loo dhigo ilaa musiibadu dhacdo, isagoo soo bandhigay Qorshaha Qaranka ee U Diyaargarowga iyo Isku-duwidda Howlaha El Niño.

Guddoomiyahu Wuxuu faray dhamaan dhinacyada in la dardargeliyo wacyigelinta bulshada, si gaar ah loo gaarsiiyo dadka ku nool goobaha khatarta ah, lana hubiyo in degmo kasta ay yeelato qorshe cad oo ah samatabixin iyo gurmad degdeg ah, si loo yareeyo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhalan kara fatahaadaha.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.