Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay shir looga hadlayo u diyaar-garowga xaaladda El Niño.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa isugu yimid wasaaradaha kala duwan ee Koonfur Galbeed, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, si loo mideeyo awoodda u diyaar-garowga, loona xoojiyo isku-duwidda howlaha gurmadka marka ay fatahaaduhu dhacaan.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shirka ka hadlay ayaa si aad ah u adkeeyay in diyaar-garowgu uusan noqon karin mid dib loo dhigo ilaa musiibadu dhacdo, isagoo soo bandhigay Qorshaha Qaranka ee U Diyaargarowga iyo Isku-duwidda Howlaha El Niño.
Guddoomiyahu Wuxuu faray dhamaan dhinacyada in la dardargeliyo wacyigelinta bulshada, si gaar ah loo gaarsiiyo dadka ku nool goobaha khatarta ah, lana hubiyo in degmo kasta ay yeelato qorshe cad oo ah samatabixin iyo gurmad degdeg ah, si loo yareeyo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhalan kara fatahaadaha.








0 Comments