Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shir looga hadlay xoojinta u-diyaargarowga Soomaaliya ee xaaladda El Niño 2026, gaar ahaan khataraha fatahaadaha degdegga ah iyo fatahaadaha wabiyada Juba iyo Shabeelle.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay SoDMA, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), ayaa diiradda lagu saaray xoojinta digniinta hore, saadaasha cimilada, qiimeynta khataraha fatahaadaha iyo qaadista tallaabooyinka hore ee lagu yareynayo saameynta musiibooyinka.
Gabagabadii shirka, waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay ka qaybgalayaashii ka faa’iideystay shirka , iyada oo lagu bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo aqoonta iyo awoodda hay’adaha ee u-diyaargarowga iyo ka jawaabista khataraha fatahaadaha.








0 Comments