Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo ay yeesheen Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha iyo diyaar-garowga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, halka uu sidoo kale guddiga la wadaagay qorshaha Dowladda ee u diyaar-garowga El Niño iyo xogihii ugu dambeeyay ee saadaasha roobabka culus iyo fatahaadaha la filayo.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha iyo qaadashada tallaabooyin hore oo lagu yareynayo saameynta ka dhalan karta El Niño.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo diyaar-garowga, lana qaado tallaabooyin hore oo wax looga qabanayo khataraha la filayo, si loo yareeyo saameynta El Niño ee bulshada iyo deegaannada Koonfur Galbeed.








0 Comments