JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐮 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚-𝐣𝐚𝐰𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝐞𝐞 𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐮 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚-𝐣𝐚𝐰𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝐞𝐞 𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo ay yeesheen Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha iyo diyaar-garowga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, halka uu sidoo kale guddiga la wadaagay qorshaha Dowladda ee u diyaar-garowga El Niño iyo xogihii ugu dambeeyay ee saadaasha roobabka culus iyo fatahaadaha la filayo.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha iyo qaadashada tallaabooyin hore oo lagu yareynayo saameynta ka dhalan karta El Niño.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo diyaar-garowga, lana qaado tallaabooyin hore oo wax looga qabanayo khataraha la filayo, si loo yareeyo saameynta El Niño ee bulshada iyo deegaannada Koonfur Galbeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.