Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta xarunteeda dhexe ee Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta wadaagga macluumaadka iyo la socodka ku-tagrifalka gargaarka bani’aadannimo.
Kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan SoDMA iyo bahwadaagta bani’aadannimada, waxaana looga hadlay hababka jira ee lagu soo gudbiyo laguna dabagalo kiisaska ku-tagrifalka gargaarka, iyo sidii loo xoojin lahaa wadaagga macluumaadka.
Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen qabyo-qoraalka Hannaanka Wadaagga Macluumaadka iyo La Socodka Wadajirka ah ee Ku-tagrifalka Gargaarka, iyadoo la isla eegay hababka lagu wanaajin karo ogaanshaha, soo gudbinta, dabagalka iyo xallinta kiisaska.








0 Comments