JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐞𝐥𝐞𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐫𝐝𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐭𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐞𝐥𝐞𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐫𝐝𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐭𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay u tageen dardargelinta howlaha gurmadka iyo diyaar-garowga khataraha fatahaadaha.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdigiisa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo saameynta la filayo ee El Niño.
Inta uu ku sugan yahay Beledweyne, Guddoomiyahu waxuu kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta Maamulka Degmada iyo Gobalka ee Hirshabeelle iyo qeybaha bulshada, isagoo sidoo kale booqan doona deegaannada ku dhow biyo-mareennada, si loo qiimeeyo xaaladda loona xoojiyo wacyigelinta bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa bulshada ugu baaqay in la furo lana nadiifiyo biyo-mareennada, si loo fududeeyo qulqulka biyaha loogana hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara. Sidoo kale, wuxuu bulshada ku boorriyay inay ka fogaadaan goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu yareynayo khatarta.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.