Wafdi ka socda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah, Xasan Cabdulqaadir Ciise, qeybna uu ka yahay Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Hay’adda SoDMA Cabdifitaax Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne.
Wafdigaan ayaa uga qeybgalaya magaalada shir looga hadlayo arrimaha bani’aadannimada iyo xaaladda El Niño, sidoo kalena waxa ay booqanayaan deegaannada fog-fog ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo bulshada loogu sameynayo wacyigelin ku aaddan ka fogaanshaha goobaha biyo-mareennada.








0 Comments