Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda JFS, Dr. Saleebaan Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ku soo xiray Shirka Dhisidda Adkeysiga Maaliyadeed ee Soomaaliya, kaas oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda dalka ee ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, iyadoo laga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa hannaan maaliyadeed oo dowladda u saamaxaya inay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray sidii loo yareyn lahaa saameynta dhaqaale iyo bani’aadantinimo ee musiibooyinku ku yeeshaan bulshada, loona xoojin lahaa adkeysiga dalka ee ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka mustaqbalka.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dhammaan hay’adihii iyo bah-wadaagtii ka qeyb qaatay Shirkaan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lagu xoojinayo u adkeysiga Maaliyadeed ee Soomaaliya.









0 Comments