JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐩𝐞𝐫 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔.

HomeNews 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐩𝐞𝐫 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho ka furay Shir Qaran oo lagu dardargelinayo u-diyaargarowga saameynta la filayo ee Super El Niño 2026.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ee qaabilsan Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xafiiska Madaxweynaha dalka, Hoggaanka Rugta Ganacsiga, Hoggaanka Culimada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay walaaca laga qabo saadaasha cimilada oo tilmaamaysa suuragalnimo sare oo Super El Niño ah iyo roobab culus, xilli qeybo badan oo dalka ka mid ah ay weli ka soo kabanayaan saameyntii abaarta.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee dalka ay u baahan tahay isku-duwid iyo wada-shaqeyn degdeg ah, si bulshada nugul loo gaarsiiyo gurmad waqtigiisa ku habboon.

Wuxuu ku booriyay dowladda, dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta bani’aadantinimada inay yeeshaan qorshe mideysan oo ku saleysan tallaabooyin hore, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka loona badbaadiyo nafaha.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.