Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK), Mudane Chris Pycroft.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khataraha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saadaasha El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga iyo awoodda Soomaaliya ee ka jawaabista musiibooyinka.
Agaasimaha Horumarinta UK, Chris Pycroft, waxuu xaqiijiyay in Boqortooyada Midowday ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo bulshada nugul, gaar ahaan xilliyada ay dalka soo wajahaan xaalado bani’aadannimo iyo khataro ka dhasha isbeddelka cimilada.
Ugu danbeyn,Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda UK taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, diyaar-garowga iyo xoojinta adkeysiga bulshada.






0 Comments