Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta furay shir qaran oo ay ka qeybgaleen wakiillo ka socday warbaahinta dowladda iyo warbaahinta maxalliga ah, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga warbaahinta ee u diyaar-garowga digniinaha Super El Niño 2026 iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Dr. Maxamed Saney Dalmar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Madaxa Sanduuqa Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in warbaahintu ay tahay laf-dhabarta gaarsiinta fariimaha digniinaha hore, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada dowladda, hay’adaha gargaarka iyo warbaahinta si loo xoojiyo u diyaar-garowga digniinaha Super El Niño 2026 loona gaarsiiyo bulshada xog sax ah oo waqtiyeysan.
Intii uu socday shirku waxaa lagu soo bandhigay xogihii ugu dambeeyay ee saadaasha cimilada iyo digniinaha la xiriira Super El Niño 2026, iyadoo ka qeybgalayaashu ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay baahinta digniinaha hore, xoojinta iskaashiga warbaahinta iyo hay’adaha dowladda, si loo kordhiyo u diyaar-garowga digniinaha Super El Niño 2026 loona yareeyo saameynta khataraha la filayo.
Ugu dambeyn, shirka waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay u diyaar-garowga digniinaha hore ee Super El Niño 2026, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda, warbaahinta iyo bahwadaagta si bulshada loo gaarsiiyo xog sax ah, loona yareeyo saameynta khataraha la saadaalinayo.








0 Comments