JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Soomaaliya Ku Matalay Shir Heer Wasiir ah oo Midowga Afrika uga Hadlay U-diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Super El Niño 2026.

HomeNews Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Soomaaliya Ku Matalay Shir Heer Wasiir ah oo Midowga Afrika uga Hadlay U-diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Super El Niño 2026.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir heer wasiir ah oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Afrika, kaas oo looga hadlay u diyaar-garowga iyo ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya, marka loo eego juqraafi ahaan, ay tahay albaabka bari ee qaaradda Afrika, isla markaana ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya ee dareema saameynta El Niño iyo La Niña. Wuxuu xusay in ifafaaleyaashan cimileed ay sababi karaan fatahaado, abaaro, barakac, cunno yari, cudurro dillaaca iyo burbur ku yimaada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hab-nololeedka bulshada.

Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ugu baaqay Midowga Afrika, Dowladaha xubnaha ka ah iyo bahwadaagta horumarinta inay xoojiyaan wadaagga xogta cimilada, maalgelinta tallaabooyinka saadaasha ku saleysan (Anticipatory Action), iyo maalgashiga kaabeyaasha u adkeysan kara isbeddelka cimilada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in digniinaha hore loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu badbaadinayo nolosha, hantida iyo nolol-maalmeedka bulshada.

Ugu danbeyn Warmurtiyeed shirka kasoo baxay ayaa lagu adkeeyay xoojinta nidaamyada digniinta hore, kordhinta maalgelinta, yareynta khataraha masiibooyinka iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada, dardargelinta iskaashiga dalalka Afrika, iyo qabashada shir heer qaaradeed ah oo lagu abaabulayo dhaqaale lagu taageerayo u diyaar-garowga iyo ka jawaabista saameynta El Niño ka hor dhammaadka sannadka 2026.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.