JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Guddoomiyaha SoDMA oo Ka Qeyb Galay Kulanka Qaran ee Isku-duwidda Maaliyadda Cimilada iyo Xoojinta Adkeysiga Dalka.

HomeNews Guddoomiyaha SoDMA oo Ka Qeyb Galay Kulanka Qaran ee Isku-duwidda Maaliyadda Cimilada iyo Xoojinta Adkeysiga Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka qeyb galay Kulanka Isku-duwidda Maaliyadda Cimilada ee hoos yimaada Tiirka 4-aad ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan Sanduuqa Qaranka ee Cimilada (NCF).

Kulankan ayaa isu keenay wakiillo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha Federaalka, Hay’adda SoDMA, Xarunta Qaranka ee Horumarinta Reer-miyiga iyo Xalalka Waara (NCRDS), Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda maaliyadda cimilada, ka faa’iideysiga fursadaha maalgelinta, iyo diyaarinta mashaariic waafaqsan Tiirka 4-aad ee NTP, si loo xoojiyo adkeysiga dalka ee saameynta isbeddelka cimilada.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ka qeyb-galayaasha ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha dowladda, bah-wadaagta horumarinta iyo hay’adaha maaliyadeed si loo helo maalgelin waarta oo taageerta diyaar-garowga, ka hortagga iyo wax ka qabashada saameynta masiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.