Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan midho-dhal ah ka yeeshay xoojinta wada shaqeynta dowladda ee ka hortagga iyo u diyaar-garowga khataraha ka dhalan kara saamaynta El Niño.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray adkeynta isku-duwidda dadaallada lagu wajahayo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo dabeylaha xooggan ee la saadaalinayo inay dalka ka dhacaan xilliyada soo socda, kuwaas oo la xiriira saamaynta El Niño.
Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa isla falanqeeyay heerka diyaar-garowga hay’adaha dowladda, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha ay khuseyso, iyo dejinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada iyo khataraha ka dhalan kara roobabka xilliga Dayrta, si loo ilaaliyo nolosha shacabka, kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha, loona xaqiijiyo sugnaanta cuntada dalka.








0 Comments