JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xaaladda bini’aadannimo ee dalka, saameynta roobka dayrta oo yaraaday, iyo mashaariicda taageerada ah ee Jarmalku ka fuliyo Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in hay’addu ay xoogga saarayso horumarinta nidaamyada looga hortago khataraha musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda tallaabooyin horey loo qaado si loo yareeyo khasaaraha musiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankiisa, Safiirka Jarmalka ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Jarmalka garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiso Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha – SoDMA
📞 Tel: +252 615194343
📧 Email: Communications@sodma.gov.so
🌐 Website: www.sodma.gov.so

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.