Muqdisho, Soomaaliya – 8-da Oktoobar 2025:
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku soo dhaweeyay saraakiishii SoDMA ee dhawaan dalka Shiinaha ku soo dhammaystay tababar ku saabsan ka hortagga iyo yareynta musiibooyinka.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay saraakiisha dadaalka, kartida iyo xilkasnimada ay muujiyeen intii uu tababarku socday, isaga oo kula dardaarmay in ay aqoontii iyo khibraddii ay halkaas ku soo barteen dib ugu celiyaan bulshada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo dadaallada qaranka ee lagu dhisayo nidaam wax ku ool ah oo looga hortago masiibooyinka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu horumarinayo awoodda SoDMA iyo xirfadda shaqaalaha hay’adda ee dhinaca gurmadka iyo diyaarinta qorshayaasha ka hortagga masiibooyinka.







0 Comments