JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA Oo Ka Qayb Gashay Shir-aqooneed Heer Sare Ah Oo Ku Saabsan Maalgelinta Khatarta Masiibooyinka Cimilada Ee Muqdisho

Bogga HoreWararka SoDMA Oo Ka Qayb Gashay Shir-aqooneed Heer Sare Ah Oo Ku Saabsan Maalgelinta Khatarta Masiibooyinka Cimilada Ee Muqdisho

MUQDISHO, SOOMAALIYA — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qayb galay shir-aqooneed heer sare ah oo ku saabsan fursadaha dhaqaale ee loo heli karo wax ka qabashada khataraha iyo masiibooyinka la xiriira isbeddelka cimilada. Shir-aqooneedkan oo lagu qabanayo Hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho inta u dhaxaysa 15 ilaa 16 Sebtembar 2025, waxaa soo agaasimay Wasaaradda Maaliyadda iyo barnaamijka Gaashaanka Caalamiga ah (Global Shield).

Shir-aqooneedka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha waxaa shirkan ku wehelinayay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan hay’adda, oo ay ku jiraan Mudane Xasan Ciise, Maareeyaha Xarunta Howlgallada Gurmadka Qaranka; Mudane Maxamed Mukhtaar, Khabiirka Maareynta Macluumaadka; iyo Dr. Mustafa Caadle, La-taliyaha Siyaasadda iyo Qorshaynta.

Intii uu socday maalintii koowaad ee shir-aqooneedka, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada iyo sida loo helo maalgalin iyo taageero dhaqaale oo wax ku ool ah si wax looga qabto saameynta sii kordheysa ee cimilada.

Hadalkiisii uu ka jeediyay shir-aqooneedka, Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho fursado dhaqaale oo waara si ay ugu diyaar garowdo oo ay u yareyso khataraha sii kordhaya ee masiibooyinka dabiiciga ah ee la xiriira isbeddelka cimilada. Wuxuu yiri: “Barnaamijka Global Shield waa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ay ku dhisan karto adkeysigeeda ka hortagga masiibooyinka cimilada. Waa in aan ka faa’iideysanaa fursadahan si aan u samaysano qaab-dhismeed dhaqaale oo xooggan oo noo ogolaada in aan wax ka qabano ka hor inta aysan dhibaatadu dhicin, halkii aan ka bixin lahayn oo keliya jawaab celin.”

Barnaamijka “Global Shield”, oo lagu daah-furay shirweynihii COP27, waa iskaashi caalami ah oo u dhexeeya dalalka V20 (dalalka ugu nugul) iyo dalalka G7 (dalalka horumaray). Iskaashigan wuxuu ujeedadiisu tahay in la xoojiyo awoodda dalalka nugul si ay u helaan taageero dhaqaale ka hor inta aysan masiibadu dhicin. Soomaaliya, oo ah mid ka mid ah wadamada ugu nugul saameynta cimilada, ayaa si weyn uga faa’iideysan karta barnaamijkan.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin dhameystiran oo cinwaan looga dhigay “Warbixinta Tirakoobka Habraaca Maxalliga ah ee Soomaaliya iyo Falanqaynta Meelaha Bannaan”, taas oo iftiiminaysa meelaha bannaan ee xogta, awoodaha, iyo caqabadaha la xiriira wax ka qabashada khataraha isbeddelka cimilada ee dalka, iyada oo ujeedadu tahay in laga faa’iideysto fursadaha uu bixiyo barnaamijka Global Shield.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.