Muqdisho – 18 Luulyo 2025 –Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa Caawa si rasmi ah xarunteeda dhexe ee magaaladda Muqdisho uga furtay Shirka Dib-u-Qiimeynta Iskaashiga Bini’aadannimo, kaasi oo diiradda lagu saarayo dardargelinta howlaha gargaarka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bahda samafalka gudaha iyo dibaddaba.
Shirka waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay (UN), hay’ado samafal oo maxalli iyo caalami ah, ganacsato,Culimadda iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Madaxda Dowlada, Iyo wakiiladda Calamiga ee shirka kusugan waxaa Kamid ah Wasiiro Katirsan Xukuumadda Somaalia, ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna iskuduwaha gargaarka bini’aadannimadda George Conway iyo Masuuliyiin Kale.
0 Comments