
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed
Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaan maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cusmaan (Sheekh Suufi Yare) iyo culimo kale oo wehlisa.
Kulanka ayaa looga hadlay, xaaladda dalka, muhiimadda ay leedahay furitaanka Qasnad Qaran oo si mideysan dadka Soomaaliyeed ugu aruuriyaan sakada iyo sadaqada ay la baxayaan, taasoo ay wadajir u maamulayaan Hay’adda iyo Midowga culimada, si loo yareeyo ku tiirsanaanta kaalmada bani’aadannimo ee dibadda.
Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa isla gartay in culimadu dhisaan guddi si gaar ah ula shaqeeya Hay’adda SoDMA, halka la isku raacay in la qabto kulan kale oo lagu dhammeystarayo howlaha muhiimka ah ee labada dhinac iska kaashan doonaan.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments