

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Md. George Conway, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay isku yimaadeen dhinacyada ka shaqeeya howlaha bani’aadannimo ee dalka (HCT).
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha, caqabadaha taagan, saamaynta ka dhalan karta is-beddelka ku yimid taageerada dhanka bani’aadannimo ee Maraykanka, xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya wada-hawlgalayaasha ka shaqeeya howlgallada gargaarka iyadoo Hay’adda SoDMA qaadanayso doorkeeda hoggaaminta si loo helo jawaab hufan oo waxtar leh.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin, oo dhammaan daneeyayaasha uga mahadceliyay dadaalka ay bixiyeen ayaa xusay in si loo xalliyo caqabadaha bani’aadamnimo ee dalka loona hubiyo jawaab isku-xiran oo wax-ku-ool ah xilligan adag loo baahan yahay in dib loo eego hannaanka maalgelinta si loo hubiyo joogteynta taageerada lagama maarmaanka ah ee dadka nugul.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments