Arrimaha Bini’aadantinimada
Waaxda Gargaargaka ayaa mas’uul ka ah isu keenista Hawl-wadeennada arimmaha Bini’aadantinimada /Gargarka si loo hubiyo in si isku id ah looga jawaabo xaaladaha degdegga ah iyo sidoo kale waxay maamusha diyaarinta iyo ilaalinta fulinta siyaasadaha bini’aadantinimo ee kor uqaadaya abaabulka Gargaarka bani’aadanimo ee nafaha lagu badbaadiinaayo iyo iskudubaridka bixinta Gargaarka dadka u baahan waa tan ugu badan ee soomaaliya waxayna hubisaa in uu jiro qaab ay hay’ad kastaa gacan ugu geysan karto dadaaladda guud ee wax ka qabasha arimaha gargaarka bini’aadannimo.
Waajibaadka
Waajibaadka shaqo ee waaxda gargaarka ayaa laxiriira qaybo badan oo arimaha bini’addantinimada, ah sida dhimista khatarta musiibada, wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo ka soo kbashada abaaraha iyo fatahaadaha ku soo noqnoqda dalka. Hawlaha muhiimka ah ee waaxda gargaarka ayaa ku lug leh abaabulka oo la isku duwo waxqabadka bini’aadantinimo iyo wax ku ooli.ada shaqo iyadoo lala kaashaqanayo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah si loo yareeyo dhibaatada bini’aadantinimo ee musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah iyo u doodida xuquuqda dadka u baahan gargaar si kor loogu qaado u diyaargarowga, ka hortagga iyo fududaynta xaalalka waara.
Himilada
In la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo kuwa aan hadda ka qayb qaadananyn colaadaha, iyo bixinta cuntada,biyaha iyo fayadhowrka, hoyga, adeegyada caafimadka iyo agabka kale ee gargaarka ah , ee loo qabto dadka ay dhibaatadu saameysey iyo in loo fududeeyo so celinta noloshii caadiga ahayd