Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xarunteeda dhexe ku qabatay kulan wadatashi ah oo looga hadlay xoojinta xog-wadaagga, kormeerka wadajirka ah iyo ka hortagga leexinta gargaarka Banii’aadanimada.
Kulanka waxaa furay Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Musiibooyinka iyo Dhisidda Awoodda, Mudane Maxamed Xirsi, waxaana kalmad furitaan ah ka jeediyay Prof. Maxamed Axmed Cadale.sidoo kale Lataliye Sare Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale ayaa soo bandhigay ujeeddooyinka kulanka iyo doorka kormeerka iyo qiimeynta ee la socodka qaybinta gargaarka iyo dabagalka cabashooyinka.
Doodda waxaa diiradda lagu saaray qabyo-qoraalka qaab-dhismeedka xog-wadaagga iyo kormeerka wadajirka ah, xaqiijinta warbixinnada, caddeynta masuuliyadaha dabagalka kiisaska looga shakiyo leexinta gargaarka, ilaalinta xogta xasaasiga ah iyo badbaadada dadka cabashooyinka soo gudbiya.








0 Comments