JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

WAXAA SI HABSAMI LEH U SOCDA TABABARKA QAAR KA MID AH SHAQAALAHA SoDMA OO KU SUGAN CHINA

Bogga HoreWararka WAXAA SI HABSAMI LEH U SOCDA TABABARKA QAAR KA MID AH SHAQAALAHA SoDMA OO KU SUGAN CHINA

September 19, 2025

Beijing, Shiinaha
Saraakiisha ka tirsan Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA) oo ku sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa maanta loo qabtay tababar gaar ah oo ku saabsan qeybaha kala duwan ee Gurmadka Degdegga ah (First Aid).
Tababarkan ayaa waxaa lagu baranayay xirfado iyo farsamooyin heer caalami ah, iyadoo la adeegsanayay aalado casri ah oo wax weyn ka taraya badbaadinta nolosha dadka marka ay dhacaan xaaladaha degdegga ah. Intii uu socday tababarka, saraakiisha SoDMA ayaa sidoo kale kusoo bandhigay xirfado iyo aqoon cajiib ah oo ka tarjumeysa dadaalka ay ku bixiyaan sidii dalka loogu diyaarin lahaa ka hortagga iyo ka jawaabidda masiibooyinka.
Tababarkan waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo xaaladaha gurmadka degdegga ah ee gudaha Soomaaliya ay sii kordhayaan, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in la xoojiyo aqoonta, qalabka iyo kaabayaasha gurmadka degdegga ah si loo hubiyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed.
Hay’adda SoDMA waxa ay sii wadi doontaa dadaallada ay ku horumarinayso xirfadaha shaqaalaha iyo awoodda dalka ee ka hortagga iyo ka jawaabidda masiibooyinka si waxtar leh oo hufan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.