JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Waxaa maanta Magaalada Nairobi ee Dalka kenya lagu soo gabagabeeyay siminaar socday mudo 4 cesho ah taasoo shaqaalo ka mid ah Hey’adda Mareynta masiibooyinka ee SoDMA lagu barayay xirfado kala duwan oo shaqadooda ah .

Bogga HoreWararka Waxaa maanta Magaalada Nairobi ee Dalka kenya lagu soo gabagabeeyay siminaar socday mudo 4 cesho ah taasoo shaqaalo ka mid ah Hey’adda Mareynta masiibooyinka ee SoDMA lagu barayay xirfado kala duwan oo shaqadooda ah .

July 6, 2025

Drr | News

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Dr. Axmed Cabdi Adan ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarkaan oo ahaa mid lugu kobcinaayo xirfadaha iyo aaladaha la adeegsado marka la bixinaayo digniinaha halista leh.
Tababarkaas ayaa loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka qeeybteeda bixisa digniinaha Musiibooyinka, hay’ado iyo Wasaaradda biyaha iyo tamarta, kuwaas oo loo diyaarinaayo in ay sii tababaraan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Xarunta Qaran ee bixisa Digniinaha Haliswadareedka (NMHEWC).
Tababarka waxaa isla soo qaban qaabiyey Waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka ee Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Yareynta Khataraha Musiibooyinka ee UNDRR, iyadoo ay tababarkana isla bixinayeen Khubarro ka socotay Hay’adda SoDMA iyo CIMA foundation.
Gudoomiye ku xigeenka hey’adda Maareynta Masiibooyinka Dr Axmed cabdi Adan oo gabagabada siminaarkaasi ka hadlay ayuu shaqaalaha siminaarkaas ka qeybgalay wuxuu kula dardaarmay iney aqoontooda kaga faaideeyaan shaqaalaha kale ee wali helin fursadaan oo kale .

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.