Baydhabo, Koonfur Galbeed, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad-gobolleedka Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi), ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyay furitaanka Shirka Madasha Bani’aadannimada Dalka(Country Humanitarian Forum – CHF-2025) oo lagu qabtay magaalada Baydhabo. Wasiirka ayaa si diirran u bogaadiyay marti-gelinta maamulka Koonfur Galbeed ee shirkan muhiimka ah.
Wasiir Makaawi ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha shirka, oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad-gobolleed, saaxiibbada caalamiga ah ee ka socda Qaramada Midoobay, NGO-yada iyo bulshada rayidka. Wuxuu xusay in shirkani uu muujinayo midnimada iyo isku-duubnida ka dhexaysa Soomaaliya iyo beesha caalamka ee wax ka qabashada masiibooyinka dalka.
Wasiirka ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee weli murugsan ee ka jirta Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay saameynta taban ee isbeddelka cimilada, abaaraha, barakaca, iyo amni-darrada.
Wuxuu tilmaamay in Galmudug ay ka mid tahay gobollada sida gaarka ah u nugul, ayna jirto baahi xooggan oo loo qabo gargaar degdeg ah iyo taageero joogto ah oo loo fidiyo dadka nugul.
Mudane Makaawi wuxuu si gaar ah diiradda u saaray laba caqabadood oo waaweyn:
1- Yaraanta Maalgelinta: Wuxuu sheegay in farqiga weyn ee u dhaxeeya baahiyaha bini’aadannimo iyo dhaqaalaha la helay uu si toos ah u saameeyay bixinta adeegyada aasaasiga ah. Wuxuu digniin ka bixiyay in taageero dheeraad ah la’aanteed, bulshada nugul ay wajahi karto xaalado adag.
2- Barakaca Ba’an: Wuxuu xusay in dagaallada iyo amni-darrada ka taagan gobollada Hirshabeelle iyo maamulka Waqooyi-bari (SSC-Khaatumo) ay sababeen barakac ballaaran. Wuxuu caddeeyay in barakacayaashaas ay cadaadis xooggan ku hayaan adeegyada bani’aadannimo ee dalka, taas oo u baahan xal degdeg ah.
Ugu dambeyntii, Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi) wuxuu ku baaqay in la cusbooneysiiyo habka gargaar bixinta. Isagoo la waafajinaya mowduuca shirka ee sanadkan, wuxuu ku boorriyay in la dhiso hannaan ay Soomaalidu horkacayso, si loo hubiyo in gargaarka uu noqdo mid waara oo wax ku ool ah.







0 Comments