Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan
Bogga HoreWararka Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, isagoo halkaas gaarsiiyay shixnad Daawo ah oo loogu talo galay garab istaaga Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan iyo kuwa Qaranka ee ka wada howlgallo ka dhan ah khawaarijta.
Dawadaan oo iskugu jirta qeybo kale duwan, ayaa muhiim u ah ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka waxaana ka guddoomay Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale guddoomiyaha SoDMA ayaa booqday dhismaha Isbitaalka degmada Moqokori oo heer gabogabo maraya, iyo Ceelka biyaha laga cabo ee degmadaasi, isagoo si gaar ah u xogwareystay dadka gacanta ku haya goobahaan baahiyaha jira si Hay’adda uga caawiso.
Guddoomiyaha ayaa intaas kadib kulan la qaatay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Md. Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaana Guddoomiyaha Taliyaha uu la wadaagay warbixin guud oo la xariirta sida hay’adda u garab istaagantahay Xaq-u-dirirka deegaanka iyo ciidamada Qaranka, in gurmad oo ballaaran kana kooban Daawo iyo Raashin markale hay’adaha gobolkaan soo gaarsiin doonto dhowaan.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.
123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.











0 Comments