Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta xarunta hay’adda ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda CARE International oo uu hoggaaminayay Mr. Apollo Gabazira, oo ah madaxa hey’adda care ee Bariga Iyo Bartamaha Africa .
Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa labada hay’adood ee ka shaqeeya arrimaha masiibooyinka iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Intii kulanku socday, Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa wafdiga CARE siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha muhiimka ah ee ay SoDMA qabato, gaar ahaan shaqooyinkii la qabtay muddadii la soo dhaafay ee la xiriira u diyaar garowga iyo maareynta khataraha masiibooyinka dalka.
Dhanka kale, Umm Kalthum Dubow,oo ah Madaxa xafiiska Care ee Soomaliya, ayaa xaqiijisay in ay wadaan qorshe cusub oo bulshooyinka Soomaaliyeed loogu sahlayo inay si dhijitaal ah ku helaan xogaha muhiim ah, sida meelaha cawska iyo biyaha laga helo, taasoo wax weyn ka taraysa nolosha dadka iyo xoolaha.
Mr. Apollo Gabazira, ayaa isna dhankiisa bogaadiyay shaqada ay SoDMA qabanayso, wuxuuna xusay in in badan oo ka mid ah mashaariicdii hore ee CARE ay guuleysteen, hadana la rabo in la ballaariyo Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in caqabadda ugu weyn tahay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa.
Intaasi ka dib , wafdi ayaa booqday Xarunta Qaran ee ka dagista halis wadareedka, Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sh. Maxamed, ayaa mid mid u tusay una sharxay shaqada balaaran ee ka socota xarunta.
Gunaanadkii kulanka, Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa uga mahadceliyay wafdiga CARE booqashadooda, isagoo ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la xoojiyo wadashaqeynta si loo wajaho caqabadaha soo noqnoqda ee masiibooyinka.
Ugu danbeyn Labada dhinac ayaa isku afgartay in iskaashiga iyo wadashaqeynta dhow ay saldhig u tahay wax ka qabashada masiibooyinka iyo sugnaanshaha nolosha bulshada Soomaaliyeed.
0 Comments