JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Warbixin Dhameystiran: Kulanka Dib-u-eegista iyo Qiimeynta Iskaashiga Bani’aadantinimo ee Soomaaliya

Bogga HoreWararka Warbixin Dhameystiran: Kulanka Dib-u-eegista iyo Qiimeynta Iskaashiga Bani’aadantinimo ee Soomaaliya

Iyadoo xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ay sii cakirmayaan, islamarkaana malaayiin Soomaali ah ay wajahayaan baahi degdeg ah, ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan heer sare ah oo lagu falanqeeyey dib-u-eegista iyo dib-u-habeynta iskaashiga bini’aadantinimo. Kulanka oo ay martigelisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa isu keenay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, ururro caalami iyo maxalli ah, culumaa’udiin, ganacsato iyo xubno ka socday bulshada rayidka.

Kulanka oo loogu magac daray “Dib-u-eegista Iskaashiga Bini’aadantinimo” ayaa xambaarsanaa himilo cad oo ku wajahan dib-u-dhisidda hannaanka gurmadka, si loo helo nidaam waara, hufan, kuna dhisan hoggaan qaran. Waxaa kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gudaha, hagaajinta nidaamyada maaliyadeed, iyo ballaarinta ka-qaybgalka dhammaan daneeyayaasha – si gaar ahna looga faa’iideysto khibradda culimada, ganacsatada iyo ururrada maxalliga ah.

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo si rasmi ah u furay kulanka, ayaa xusay in in ka badan lix milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, taasina ay caddayn u tahay in loo baahan yahay dib-u-eegis qoto dheer oo lagu hagaajinayo mudnaanta iyo jihada hawlaha bini’aadantinimo.

Wakiilka Qaramada Midoobay Mudane George Conway ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashi waara oo ay hormuud ka yihiin hay’adaha dowladda, isagoo ku baaqay in laga gudbo dhaqamada gurmadka ku-meel-gaarka ah looguna guuro hannaan istiraatiiji ah oo muddo dheer socon kara.

Dhanka kale, culimada Soomaaliyeed ayaa cod dheer ku dalbaday in la dhiso nidaam gurmad oo waara oo ku tiirsan kheyraadka gudaha. Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si adag u muujiyay baahida loo qabo in laga gudbo “cabasho xilliyeed” oo loogu beddelo qorshe waara oo dalka u gaar ah.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) ayaa soo jeediyay in 5% miisaaniyadda dowladda loo qoondeeyo gurmadka bini’aadantinimo.

Ganacsatada iyo maalgashadeyaasha Soomaaliyeed ayaa sidoo kale door firfircoon ka qaatay doodaha. Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed Dr. Axmed Khadar Jaamac ayaa soo bandhigay qorshayaal lagu dhiirrigelinayo maalgelinta mashaariicda bulshada, halka Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Gabeyre uu ballanqaaday in ganacsatada ay diyaar u yihiin inay kaalin muuqata ka qaataan wax ka qabashada xaaladaha taagan.

Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha hadda jira iyo fursadaha la heli karo, iyadoo diiradda la saaray: xoojinta doorka dowladda ee hoggaaminta iyo isku-duwidda, dhisidda sanduuqyo dhaqaale oo u gaar ah gurmadka, isku xirka horumarinta iyo gurmadka, iyo kor u qaadista isla xisaabtanka iyo hufnaanta dhammaan heerarka fulinta.

Talooyinka la soo jeediyay waxaa ka mid ahaa: dhismaha Guddiga Isku-duwidda Qaran ee ay hoggaaminayso SoDMA, qaadashada hannaan maamul hoose si gurmadku u gaaro meelaha ay dhibaatadu ka jirto, xoojinta awoodda hay’adaha maxalliga ah, iyo hirgelinta tababaro farsamo iyo maamul oo lagu dhisayo kartida hay’adaha gudaha.

Ugu dambeyn, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdigafaar Cilmi Xaange, ayaa soo xiray kulanka, isaga oo muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan sannadka 2025 – gaar ahaan horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha – wuxuuna carrabka ku adkeeyay in isbeddel dhaqaale oo dhab ah uu yahay furaha wax ka qabashada xaaladda bini’aadantinimo ee dalka.

Kulanka ayaa la filayaa inuu noqdo billow cusub oo lagu dhisayo iskaashi waara oo wax-ku-ool ah, loogana gudbo gurmadka degdegga ah una gudbo nidaam istiraatiiji ah oo u adeega dadka Soomaaliyeed, kuna saleysan hoggaan, waartooyo iyo wadajir qaran.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.