JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA oo Hormuud iyo Save the Children ku Bogaadisey Heshiis Taariikhi ah oo Horumar u ah Carruurta Soomaaliyeed

Bogga HoreWararka SoDMA oo Hormuud iyo Save the Children ku Bogaadisey Heshiis Taariikhi ah oo Horumar u ah Carruurta Soomaaliyeed

July 29, 2025

Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si diirran u soo dhaweeyay heshiis iskaashi oo muhiim ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen shirkadda Hormuud Telecom iyo hay’adda Save the Children. Heshiiskan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada muhiimka ah ee ay carruurta Soomaaliyeed ka heli lahaayeen dhanka isgaarsiinta iyo bini’aadantinimada.

Guddoomiyaha SoDMA, oo ka hadlay munaasabadda saxiixa, ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya muhiimadda iskaashiga dhex mara dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo hay’adaha samafalka si loo gaaro horumar bulsho oo waara.

“Waxaan si buuxda u taageersanahay heshiiskan. Waa tallaabo muhiim ah oo muujineysa sida awoodda tignoolajiyada loo adeegsan karo si nolosha dadka loo badbaadiyo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

“Carruurta Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin fursado ay ku helaan waxbarasho, wacyigelin degdeg ah, iyo taageero bini’aadantinimo, heshiiskan ayaana si toos ah uga jawaabaya baahiyahaas.” ayuu ku daray Guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle wuxuu si gaar ah u sheegay in heshiiskan uu waafaqsan yahay himilooyinka SoDMA ee ah in la abuuro nidaam casri ah oo digniino degdeg ah loogu diro bulshada si ay uga gaashaantaan masiibooyinka iyo khataraha kala duwan. Wuxuu sidoo kale bogaadiyey in heshiisku diiradda saarayo shaqo abuurka dhalinyarada, taasoo laf-dhabar u ah mustaqbalka dalka.

SoDMA waxay mar walba ku dadaaleysaa in ay isku xirto dhammaan dhinacyada ku shaqada leh maareynta masiibooyinka si loo abuuro bulsho u diyaarsan, wacyigelinna leh. Heshiiskan oo ay ka goobjoobeen mas’uuliyiin dowladeed oo sare, ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ay ku xaqiijiso horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.