JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA Oo $700,000 Ku Wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha Ee Gobolka Awdal

Bogga HoreWararka SoDMA Oo $700,000 Ku Wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha Ee Gobolka Awdal

August 24, 2025

MUQDISHO, SOOMAALIYA — Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xarunteeda ku wareejisay deeq lacageed oo dhan $700,000 Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolka Awdal, si loo dardar-geliyo kaalmooyinka bini’aadannimo ee ay bixinayso dowladda federaalka. Lacagtan ayaa ah isku-darka deeqihii ay horey u bixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ($500,000) iyo maamulka gobolka Banaadir ($200,000), taasoo muujinaysa midnimada iyo isku-dubbaridka jawaab-celinta dowladda.

Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo munaasabadda wareejinta lacagta ka hadlay, ayaa sheegay in deeqdan ay tahay “bilow, ee aysan ahayn dhammaad,” isagoo ku boorriyay dhinacyada kale ee ku lugta leh gurmadka inay laba-jibbaaraan dadaalladooda maadaama kaalmada dowladdu ay keliya ku filnayn.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo xusay in taageeradan ay ka tarjumayso sida dowladda dhexe uga damqanayso xaaladda muwaadiniinta ee gobollada oo dhan. Sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, oo tilmaamay in shaqada bini’aadannimadu ay tahay waajib qaran.

Mas’uuliyiintii kale ee ka qayb-gashay, oo ay ku jireen Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Mohamed Hassan Bulaale, iyo Wasiir Ku-xigeenka Batroolka iyo Macdanta, Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caana-nuug), iyo Xildhibaan Caasho Koos Maxamuud, ayaa si wadajir ah mahadnaq ugu jeediyay madaxda sare ee dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan Guddoomiyaha gobolka, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), dadaalkooda ay ku garab istaageen shacabka reer Awdal.

Tallaabadan waxay adkeynaysaa doorka SoDMA oo ah hay’adda ugu muhiimsan ee maareynta iyo isku-dubbaridka gargaarka bini’aadannimo ee dalka. SoDMA waxay sidoo kale xaqiijisay inay sii wadi doonto shaqadeeda ku aaddan xoojinta iskaashiga dhammaan qaybaha bulshada, si loo helo jawaab-celin waara oo lagu daboolo baahiyaha degdegga ah.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.