JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA iyo Qurbo-joogta Mareykanka oo Ka Wada-hadlay Doorka Ay Ku Leeyihiin Taageerada Dadka Nugul.

Bogga HoreWararka SoDMA iyo Qurbo-joogta Mareykanka oo Ka Wada-hadlay Doorka Ay Ku Leeyihiin Taageerada Dadka Nugul.

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕-𝐝𝐚 𝐎𝐜𝐭𝐨𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓 – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Abdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee qurbo-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin howlaha samatabixinta iyo taageerada dadka nugul, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan xaaladaha bani’aadantinimo iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa amaan iyo mahadnaq u jeediyay qurbo-joogta Soomaaliyeed, isagoo xusay in taageeradooda joogtada ah ay door muuqda ka qaadato hawlaha SoDMA ee gurmadka iyo adeegga bulshada.

Labadda dhinac ayaa ku ballamay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo qurbo-joogta, si loo hormariyo qorshayaasha samatabixinta iyo ka jawaabidda musiibooyinka dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.