JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo Wada Qorsheynaya Ka Hortagga Abaaraha iyo Diyaargarowga Xilli-Roobaadka Deyrta.

Bogga HoreWararka SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo Wada Qorsheynaya Ka Hortagga Abaaraha iyo Diyaargarowga Xilli-Roobaadka Deyrta.

Muqdisho, 6-da October 2025 – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdille, iyo Madaxa Isku-duwidda Gar-gaarka Bani’aadanimo ee Soomaaliya, Mr. Georg Conway, ayaa maanta ku yeeshay shirkii billaha ahaa xarunta SoDMA ee Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray diyaargarowga xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan haddii roobka Deyrta uu yaraado, taas oo keeni karta abaaro saameeya bulshada nugul. Waxaa sidoo kale looga wada hadlay sidii dhaqaale wadajir ah loogu heli lahaa gudaha iyo dibadda, iyadoo dhawaan la abuuray Sanduuqa Qaranka ee Dhaqaalaha Bani’aadanimo, oo ay dowladda maamusho, si loogu fududeeyo taageerada dadka u baahan.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in mudnaanta la siiyo dadka ugu nugul masiibooyinka, loona adkeeyo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si gargaarka bani’aadanimo uu u gaaro meel kasta oo looga baahan yahay, si hufan iyo waqti ku habboon.

.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.